U bood dhigaalka

Muqdidho: Askari Dilay Ruux Shacab Ah

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ruux shacab ah waxaa uu ku dilay gudaha magaalada Muqdisho ee gobalka Banaadir.

Ruuxa la dilay ayaa ahaa dawalka gaari xamuul ah kaas oo ka yimid dhanka dekedda waxaana saarnaa qalabka dhismaha.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Shaniimo Nasar ee degmada Hodan .

Waxaana la ogeyn sababta keentay in askariga uu xabada ku dhufto darawalka mana jiro wax war ah oo ka soo baxay

Goobjoog News