U bood dhigaalka

Muqdisho: 13 Caruur Ah oo Gaajo u Dhimatay

Sheeko:Dalka

Ilaa 13 qof oo caruur u badan ayaa la xaqiijiyey iney gaajo ugu dhinteen kaam ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Weriyeyaasha Goobjoog News oo saaka booqday kaamka ayaa xogwareysi la yeeshay dadka deegaanka, mas’uuliyiinta kaamka iyo kuwa gobolka Banaadir.

Kaamkan iyo qaar kale oo isla Kaxda waxaa ka jirta dhibaatooyin, waxaana la sheegayaa in saddex caruur ah ay saacadihii tagay gaajo u dhinteen taas oo ka dhigtay tirade guud 13 1of.

Sumaya Axmed oo ka mid ah qaraabada saddex caruur ah oo gaajo u geeriyootey ayaa Goobjoog News u sheegtay in caruurta u dhinteen, gaajo,  nafaqo darro iyo daryeel la’aan “Caruurta dhimatay waxaa ka mid ah labo mataano ah, sadexdooda kala maalin ayey kala dhinteen, hooyadood nabar ayaa lugta ugu yaalo, oo ma shaqeysan karto,  iyada oo hooyadeed qaraxii ayey ku dhumatay oo meydkeeda waa la waayey”.

Dhankkiisa odey horjooge ahaa ayaa nagu yri “Miro Geedi murug la yiraaho ayey soo gurteen, oo cuneen, saxaradii ayaa ku istaagtay, biyo ma jirooo waa laga goostay, hey’ad wax na siisay ma jirto”.

Cabdinasir Xassan Cali, oo ah ku xigeenka amniga ee degmada Kaxda ayaa sheegay iney jirto duruuf guud oo gunno yaraan, musqulo, hoy iyo biyo intaba isaga oo ugu baaqay dowladda federaalka ah iyo hey’adaha gargaarka iney ka warhayaan dadkaasi.

Caruurtan ayaa geeriyootey maalintii ugu dambeysay uu safarka ugu baxay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dalka Cumaan,  waana safarkii 2-aad uu iska aado muddo todobaad ah. Ma jiro cid ka tirsan maamulkiisa ayaa ka jawaabtay in 2020-ka ay dad intaasi la eg gaajo ugu dhintaan caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada