U bood dhigaalka

Muqdisho: 2 Qof Oo Ku Dhimatay Shil Gaari

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, shilka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka hotelka Madiina ee degmada Xamar Jajab.

Shilkan ayaa yimid kaddib markii gaari xamuul ah oo nooca ciidamada Saadka iyo sahayda u qaada ayaa ku dhacay mooto bajaaj.

Labada ruux ee shilka ku geeriyootay ayaa kala ahaa darawalka mooto bajaaj iyo qof saarnaa, halka haweeney kale oo wadada mareysay ay dhaawacantay.

Ka sokow shilka maanta waxaa jiray shil naxdin leh oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi, kaasoo labo qof oo mooto wadatay ay shil galeen, kuna geeriyoodeen.

Shilalka ka dhasha dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana keena ciriiriga waddooyinka, iyo xowliga loo wado baabuurta.

Goobjoog News