U bood dhigaalka

Muqdisho: Askari Qof Rayid Ah u Dilay Sigaar Dartii

Sheeko:Dalka

Askari lagu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada deegaanka ayaa waxaa uu goordhow nin odey ah ku dilay isgoyska Ceel Gaab, sababtuna waa sigaar.

Marxuumka maanta la dilay ayaa miis yar waxaa uu ku lahaa aaggaas isaga oo iibin jiray bagaash uu ku jiro sigaarka.

Dadka deegaanka oo isu soo baxay ayaa sheegay in askariga iyo odeyga isku afdhaafeen sigaar iyo lacag shilimaad ah oo jeexan taas oo keentay in xabado lagu dhufto odeyga uuna halkaasi ku dhinto.

Wararkan kala soco, Goobjoog News