U bood dhigaalka

Muqdisho: Beyle Oo Daah-furay Habka Dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2018

Sheeko:Dalka

Wasaaradda maaliyadda ayaa maanta daah furtay habka dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2018ka iyo sidii ay sare ugu qaadi lahaa dhaqan-gelinta howlaha Dowladda horyaala, iyadoo  habka loo soo bandhigaay  dhaqan-gelinta Miisaaniyada ay tahay mid ka duwan sanadihi hore.

Sida ay qortay SONNA, Munaasabadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle, wasiir ku-xigeenka, xisaabiyaha iyo hanti dhowraha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee wasaarada iyo agaasimiyeyaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda.

Wasiirka Wasaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay dhaqan gelinta Miisaaniyada 2018ka ee Dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay iney muhiim tahay in Miisaaniyada Dowladda noqoto mid laga wada faa’ideysto laguna gaaro horumarka dalka iyo sare loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Wasaaradaha ay soo xareeyaan macluumaadka Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Cali Afgooye ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dowladnimada.

Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha rayidka Xasan Abshirow ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta shaqaalaha Dowladda loona gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda.

Goobjoog News