U bood dhigaalka

Muqdisho: Bukaanada la il daran Jadeecada iyo nafaqo darada oo soo kordhay

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan caruur aad u tiro badan oo la xanuunsanaysa cudurka Jadeecada iyo nafaqo darro.

Madaxa qeybta caruurta isbitaalka Banaadir Luul Maxamed Maxamuud ayaa sheegtay in hoos u dhac uu ku yimid caruurta uu soo rido cudurka shuban biyoodka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay Luul in aysan jirin hay’ado gacanta ku haya isbitaalka sidaa oo ay tahayna uu shaqadiisa sii wato.

“ Isbitaalka Banaadir waa labo qeyb oo kala ah qeybta caruurta iyo qeybta hooyooyinka, muddooyinkii u dambeeyay waxaa bil kasta soo gaarayay isbitaalka 70 kiis oo ah bukaano qaba cudurka Jadeecada iyo 120 kiis oo ah caruur nafaqo darro la il daran ” ayay tiri Luul Maxamed Maxamuud.

Waxa ay ka codsatay hay’adaha in ay gacan ka geystaan u gargaarida bukaanada ku jira isbitaalka.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Kowthar C/raxmaan Cilmi ay la yeelatay Luul Maxamed Maxamuud: