U bood dhigaalka

Muqdisho: Ciidamada Duufaan Oo Dilay Askar Ka Tirsan Haramacad

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaano Dufaan ee hoostaga taliska nabad sugidda Soomaaliya NISA, ayaa la sheegay in ay magaalada Muqdisho dil ugu gaysteen ciidamado ka tirsan kuwa booliiska Haramacad.

Dilkaan ayaa dhacay habeenimadii xalay, waxaana uu si gaar ah uga dhacay wadada bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla xaafadda suuqa xoolaha agagaarka wadada dhismaha uu ka socda ee Muqdisho iyo Balcad isku xirta.

Kolanyo ka tirsan ciidamada Duufaan ayaa rasaas huwiyay ciidamo ka tirsan kuwa Haramacad oo fadhiyay bar koontarool oo ku taalla wadada hareeraheeda.

Inta la xaqiijiyay afar askari oo ka tirsan ciidamada Haramacad ayeey dil u gaysteen ciidamada Duufan, iyagoo dhaawacay laba kamid ah askarta,  kuwaas oo ay horay u qaateen dhaawacoodii.

Taliska booliiska iyo laamaha amniga ayaanan weli ka hadlin dhacdadaan xalay ka dhacay degmada hurwa ee gobalka Banaadir.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysay weerarka lagu dilay ciidamada, balse waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada ka dhacay weeraro qarsoodi ah oo ka dhan ah ciidamada haramacad.

Laba habeen ka hor ayey aheyd markii isgoosyka banaadir ee magaalada Muqdisho xilli dambe ay ciidamo wato dharka militeriga ay hubkii ka qaateen laba askari oo ka tirsan ciidaamada Haramacad.

Goobjoog News