U bood dhigaalka

Muqdisho: Ciidan Iyo Biyo Xiray Waddooyinka

Sheeko:Dalka

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxay yihiin kuwo xiran, islamarkaana aanay isticmaali karin gaadiidka iyo dadweynaha.

Waddooyinka ayaa Labo siyaabo u xiran, kuwo ay xireen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo aanay mari karin gaadiidka shacabka ah iyo kuwo biyo ay xireen oo cidna aanay dhex mari karin.

Xalay waxaa magaalada ka da’ay roob saacado badan socday, waxaana roobkan uu biyo dhigay meello badan oo kamid ah waddooyinka Muqdisho.

Waddooyinka ay biyuhu jareen ayaa ka mid ah qeyb ka mid ah 30-ka, Wadnaha, waddooyin Muhiim ah oo dhex mara degmada X/weyne, waxaana fadhiya biyo aad u badan.

Ciidanka dowladda ayaa iyaguna waxay xireen wadada ka timaada dekadda Muqdisho, Ceel-gaab illaa iyo Madaxtooyada, waxaana adag in gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kaleba ee dadka caadiga ah wataan inay si toos ah u maraan halkaasi.

Nimco Axmed Maxamed, Axmed Saadaq Macallin waxay ka mid yihiin dad aynu kula kulannay gaari nooca dadweynaha ah, kaasi oo ka yimid degmada X/weyne kuna sii socday dhanka Km-4, waxay inoo sheegeen in daqiiqado aad u badan ay wadada kusoo jireen, islamarkaana ay soo dhex mareen xaafado ciriiri badan.

Xaafadaha qaar ee gaadiidka ay marayaan ma ahan kuwo ay isku dhaafi karaan, waxaana dhacda in ku dhawaad saacado ay gaadiidka isku xanibmaan.

Goobjoog News