U bood dhigaalka

Muqdisho City Club Oo Iskugu Diyaarisay CAF Confederation Cup 2019

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubbadda cagta Muqdisho City Club ayaa si heer sare iskugu diyaarisay ka qeyb galka tartanka
kooxaha qaarada Afrikca ee CAF Confedration Cup 2019,iyagoo laba ciyaarooda la dheelaya naadiga
Malindi Sports Club oo ka dhisan dalka Zanzibar.

Guddooomiye ku xigeenka naadiga dowladda hoose ahna la taliyaha maamulka isboortoga Gobolka
Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka maamul
ahaan in mudo dheer ka dib ay kooxda munashiibiya kusoo laabto tartamadii lagu yeeqnay ee qaarada.


Maxamed Jeylaani Ajeeloow Isagoo ciyaaryahan ah ayuu kooxda Muqdisho City Club kala qeybgalay
ciyaarahan iminka wuxuu aad ugu faraxsanahay in mudo dheer ka dib ay kooxdiisa kusoo laabto
ciyaaraha dibadda wuxuu ka sheekaynayaa xiisaha waqtigaas ay u lahaayeen tartamadda dibada iyo
dhallinyarada nasiibka u yeelatay iminka iyo munashiibiya difaacaan.


Maamulka kooxda Muqdisho City Club ayaa is badal dhinaca macallinka sameeyay,iyagoo horaanta bisha July xilikii macallinimo u magacaabay Maxamed Mestiri Lamjed oo kasoo jeeda dalka Tuniisiya wuxuuna booskan ka badalay Hussein Mblangu Hassan oo u dhashay dalka Uganda Agaasimaha kooxda kooxda naadiga dowlada hoose Cabdifataax Macallin Yuusuf Fooley ayaa Goobjoog u sheegay ka qeybgalka tartamada qaarada ay u lee yihiin qibrad aad u wanaagsan taasina ay u sahlayso in ay guulo kasoo hooyaan.

Xidigaha naadiga dowlaldda hoose oo qaarkooda inoogu warbixiyay diyaar garowkooda ayaa sheegay in
ay qaateen tababaro kala duwan tartanka kooxaha CAF Confederation ay ka keenidoonaan natiijooyin
maadaam sanadkii lasoo dhaafay tartanka jaamacada carabta ay kusoon hareyn baqtiyaa nasiib

Abuukar Maxamed Sheekh oo ah Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club ayaa shacab gobolka
Banaadir u balanqaaday in ay usoo hooydoonaan guulo aad u wanaagsan maadaam markii ugu horeesay
mudo dheer ka dib ay ku ciyaaraan magaca caasimada.

Si kastaba kooxaha Muqdisho City Club iyo Malindi Sports Club ayaa labo kulan isku arkaya
tartanka kooxaha CAF Confedration Cup waxaana kulanka 1-aad ay kuwada dheelayaan
magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti,halka ciyaarta 2-aad ay ka dhacaysa wadanka Zanzibar.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Diyaarinta Kooxda Muqdisho City Club

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/655069304990310/