U bood dhigaalka

Muqdisho: Coronavirus oo Laga Shiray

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow Muqdisho ku soo gabagabeysay shir degdeg ahaa looga hadlayey Isku-xirka Hawlaha ka diyaar Garowga iyo k a hortagga Cudurka Coronavirus (COVID-19) , kaas oo dunida qalqal badan geliyey saacad welibana la arkayo kiisas cusub.

Wasaaradda ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxaa ay soo saartay qoraal ayaa lagu yiri”Wasaaradda Caafimaadka oo Dawladda Soomaaliya hormuud uga ah hawlaha ka diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa maanta soo qabanqaabisay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo wasaaradaha ay khusayso arimaha ka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka coronavirus.

Shirkaan ayaa daba socdey cudurka coronavirus ee kusii badanaya caalamka & gaar ahaan xaaladaha kasoo cusboonaaday waddama deriska ah. Ujeedooyinka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. in Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda

2.in laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii loga gudbi lahaa

3. in la xoojiyo sidii loo midayn lahaa dadaallada kala duwan ee socda.

Kulanka ay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ay qabatay ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo caabuqa Coronavirus uu siweyn ugu sii baahayo dunida iyadoo xusid ay mudan tahay in kiisas caabuqaa laga helay wadamada dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya.

Goobjoog News