U bood dhigaalka

Muqdisho: Dad lagu Qiyaasay 0.3% Oo La Nool Xanuunka HIV AIDS

Sheeko:Caafimaadka

Qiyaastii 13 illaa 14 ruux ayaa lagu qiyaasay tirada xanuunka halista ah ee HIV AIDS ka laga helo bishiiba  waxaana dadkaasi ay yihiin kuwa ka yimaada gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Tirakoob ay sameysay Hay’ada swisso kalmo oo gacanta ku haysa xarunta ugu wayn ee Soomaaliya ee bukaanada ugu badan cudurkaasi qaba ay ka qaataan dawo ayaa sheegtay in 3 bil ay helaan kiiskan dad gaaraya 30 ruux  halka sanadkii ay ku qayastay dad ka badan 100 qof

Hay’adan ayaa maamusha xarumo dadkan lagu siiyo dawooyinka kuwaasi oo ku yaalla shabeelaha hoose shabelaha dhex iyo gobollada dhexe iyadoo Cisbitaalka Hoyada iyo dhallaanka ee Banaadir ee magaalada Muqdisho uu noqday xarunta ugu wayn oo ay dawooyin laga siiyo 500 oo qof oo qaba cudurka HIV AIDS sida uu Goobjoog News u sheegay madaxa hawlgalinta mashaariicda Hay’adda swisso kalmo

DR: Cabdulaahi Maxamed Nuur ,sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan ku dhawaad 100 ruux oo ay ku hayaan xarun ku taalla magalada Marka ee gobolka shabeelaha hoose.

“cudurkan HIVAIDS waa cudur muddo ka jiray waddanka hay’adeena waxa ay ka shaqeysaa meela badan oo dalka sida gobollada qaar waxaana gacanta ku hayna magaalada Muqdisho xarunta ugu bukaanada badan Soomaliya  oo ku taalla Cisbitaalka Banaadir  dadka xanuunka HIVAIDS qaba magaalada Muqdisho waxa ay yihin %0.3 taasi oo ka dhigan in wali tirada ay aad u yar tahay”

Dhanka kale waxa uu Goobjoog News u sheegay DR:Cabdulaahi  Maxmed Nuur inay jiraan dad badan oo laga helay cudurka HIVAIDS ku waasi oo ku nool magalada Muqdisho tiradaasna  aysan u diiwaan gashneyn.

Cudurka Hiv AIDS ayaa waxaa lagu kala qaadaa siyaaba kala duwan oo ay ka mid tahay  galmada biraha lagu sameeyo  qaliimada oo aanan laga taxadarin waxaana cudurkan  lagu tilmaamaa inuu yahay mid u nugul dhallinyarada balse kisaska hadda ay hayaan ayuu xusay Dr Cabdulaahi inay ka wayn yihiin .

Hadda ayuu sheegay inay helayaan kiisas dhallinyaro ah oo  cudurkan qaaday kuwaasi oo baritaan kadib ogadeen .

“waxaan hadda arkeynaa kiisas cusub oo dhallinyara ah kuwaasi oo cudurka ay ka heleen sidoo kale dumarka ayaa u nugul cudurka HIVAIDS  waxan arkeynaa dad badan oo diidan inay isbaaraan qaarkoodna way la dhuuntaan cudurka waana taa sababta aysan ugu darin tirikoobkooda waxaan u sameynaa baaris la’aan ah qof kastana ha isbaaro hadduu guursana xitaa “ayuu  yiri: DR Cabdulahi Maxamed Nuur

Hay’adda swisso kalmo ayaa sidoo kale sheegeysa in Cudurka Hiv AIDS ka  gobollada xiga dhanka xuduudaha uu ku badan yahay sida uu shegayna madaxa hawlgalinta mashaariicda Hay’addaas DR: Cabdulaahi Maxamed Nuur ay ka badan tahay tirakoobka ay hayaan dadka qaba cudurkan .

“dhulka ugu badan ee dadka qaba cudurka Soomaaliya ugu badan yahay waa meelaha ku dhaw xuduudaha sida Waqooyi Galbeed aga gaarka Boosaaso iyo bar baro xadka Itoobiya iyo dhanka Afmadaw oo xigta xuduudda Kenya waxana ku qiyaasi karnaa ugu badnaan1.56 ama 0.2%  halka Muqdisho oo ugu badan ay garayaan 0.3% dadka cudurkan la nool”

Haddii aan si hufan looga hortagin cudurkan ayaa Dr;Cabdulahi  uu sheegay inay ka badan karto dadka xanuunka qaba fidista HIV  AIDS  ay ka sii siyaadi karto

Waxa kale oo Hay’adda swisso kalmo ay sheegtay inay waddo dadaal lagu yareynayo fidista cudurka HIVAIDS haddana  deegaanno ka mid ah gobollada dalka ay ka socdaan.

Ugu dambeyn Dr:Cabdulahi Maxamed Nuur ayaa kula taliyay in  dadka Soomaaliyeed aysan ka xishoon inay isbaaraan xilliyada ay isguursanayaan sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la iska ilaaliya sababaha keena cudurkan oo ay ugu horeyso galmada sharci darrada ah .

Hiv AIDS ayaa ah cudur dilaa ah mana jirto  dawo  rasmi ah oo uu leeyahay marka laga reebo dawooyin kaalmaati ah oo la soo saray

W/D:- C/wahaab Maxamed Ibraahim

Tifaftiray:- Bashiir Maxamuud Wehliye