U bood dhigaalka

Muqdisho: Dhallinyaro Dabaasha Loo Tobabaro

Sheeko:Dalka

Xilliyada Galabtii koox dhallinyaro ah ayaa lagu baraa xeebta tobabar ku saabsan Dabaasha taasi oo ah waxyaabaha ugu adage ee la barto, halka dad badan ay ka aaminsanyihiin in ay tahay wax iska sahlan.

Dhallinyarada ayaa dabaasha waxaa loo baraa si xirfadeysan, iyaga oo xilliyada badda ay dagantahay aado Xeebaha Liido iyo Jazeera, si ay u joogteeyaan barashadooda ku aadan Dabaasha.

Dabaasha waa xirfad u baahan Barasho dunidana waxaa la siiyaa dadka ku dheereeyo Xushmad gaar ah.

Dabaalyahannada ayaa wadamadooda ku matala Tartamada Dabaasha ee dunida .

Cabdullahi Fiqi waa Macallinka bixiya Cashirka Dabaasha waxaa uuna ka hadlayaa waxyaabaha ku qasbay in asiga qudhdhiisa uu barto Dabaasha.

“Dabaasho waa waxyaabaha mid ka mid ah waxa aan xiiseeyo Ciyaaraha nuuca aan ka xiiseeyo waaye dabaasha waxaan ku soo bartay dalka Masar kaasi oo aad looga tixgaliyo Dabaasha”.

Mursal Cabdulqaadir Xirsi waa arday barto Dabaasha taasi oo uu u qabay baahi weyn waxaa uuna baadi goobi jiray cid walba oo loogu sheego in ay taqaanno Dabaasha waxaa uuna yiri “ Barashada Dabaasha waxaan bilaabay Sanad ka hor waxaan Jaanis u helay in aan la kulmo Macalinka hadda nabaro dabaasha ka dibna waxaan u gudbiyey codsi ku aadan in uu I baro Dabaasha waxaan nahay hadda koox isku xiran”.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa aaminsan in Cilmigaan ay meel Fiican ka gaari ka raan si ay uga qeyb-galaan tartamada dunida ee la xiriira Dabaasha iyaga oo ku matalayo Magaca Soomaaliya sida uu sheegayo Maxamed Salaad Mayoow oo ah ardey barto Dabaasha.

“Hadda waxaan ahay qof dabaasha Soomaaliya uga qeyb-gali karo wadamada aduunka “.

Muddo sanad ah oo dhallinyaradaan uu socday tobabarkooda waxaa uu gaaray in iyaga oo gacmaha iyo Lugaha ka xiran in badda lagu tuuro isla markaasna laga rabo in ay Xeebta Dabaal ku soo gaaraan.

Goobjoog News