U bood dhigaalka

Muqdisho: Dhaqtar Lagu Dilay Degmada Yaaqshid

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahinno laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir ku dishay Allaha u naxariistee dhaqtar Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan xaayoow.

Dilka dhaqtarka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Suuq bacaad, waxaana kooxda dilka fulisay ay ku hubeysnaayeen Qoryo kuwaa oo markii ay falka geysteen ka dib goobta isaga baxsaday sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa waxa uu ahaa dhaqtar si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dilka dhaqtar Xasan Xaayoow uu salka ku hayo aano qabiil.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, ganacsato, odayaal iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana ciidamada amaanka ay kaliya sameeyaan falalka ka dib baaritaano aysan ka soo bixin natiijo.

Goobjoog News