U bood dhigaalka

Muqdisho: Dowladda Oo Xirtey Waddooyin Hor Leh

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtey waddooyin hor leh kana mid ah magaalada Muqdisho, xilli maamulka gobolka Banaadir maalintii shalay ahayd shaaciyey in la xiri doono dhammaan waddooyinka Muqdisho maalmaha Talaadada iyo Arbacada.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Warta-nabadda iyo yaaqshiid ayaa saakay kusoo baraarugay wadooyin badan oo xiran, gaar ahaan jid cadayaashii soo aadayey dhanka wadada Wadnaha.

Hore waxaa u xirnaa jidcadayaasha kasoo leexanayey dhanka wadada Wadnaha, soona aadayey wadada Makka Al-mukarrama hase ahaatee waxaa haatan lagu daray kuwii soo aadayey dhanka wadada Wadnaha.

Waxaa waddooyinkaan lagu jaray Carro badan iyadoo sidoo kale halka carada laga qaaday ay god weyn noqotey, meelaha qaarna waxaa jarmay Biyahii, kadib markii si aan loo fiirsan loo geliyey cagafta waddooyinka xireysay.

Hadii aad gaari wadato oo aad laamiga Wadnaha dooneyso inaad soo aaddo ma heliysid waddo jid cad ah oo furan illaa dhanka isgoysyada aad kasoo aaddo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Nabad sugidda.

Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shalay saxaafadda la hadlay waxa uu shacabka ka codsaday iney sabraan Labada maalin ee soo aadan, isaga oo tilmaamay in la hakin doono isku socodka magaalada Muqdisho.

Arabacada soo socota ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu qaban doonaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waana sababta keentay in waddooyinka maagaalada la xiro.

Goobjoog News