U bood dhigaalka

Muqdisho: Guddiyo Ka Socda Baarlamaannada Heer Federaal Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Dastuurka Ka Shiraya

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka Daahfurka  guddiyada dastuurka ee baarlamaannada heer federaal iyo mid dowlad goboleed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho .

Kulanka oo 2 maalin socon-doona, waxaa soo qaban-qaabiyay Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka baarlamaanka federaalka ah, waxaana lagu casuumay madaxda baarlamaannada dowlad goboleedyada iyo sidoo kale guddoomiyaha aqalka sare.

Ujeedka shirka waxaa lagu sheegay arrimaha hagaajinta dastuurka qabyada ah iyo in la helo dastuur hufan oo aan iska hor imaaneyn, si wanaagsanna u qeexa xuquuqda muwaadinka si loo helo dastuur Soomaaliyeed oo madaxbannaan.

Goobjoog News