U bood dhigaalka

Muqdisho: Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare oo La Dhaariyay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta xilka loo dhaariyay Baashe Yuusuf Axmed oo  axaddii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilka guddoomiyaha maxkamadda sare.

Baashe ayaa la magacaabay kadib markii cabasho laga keenay Ibrahim iidle oo isaga xilka uga horeeyay, waxaa uuna Faraamjo sheegay in ay qeyb ka tahay dib u habeynta garsoorka.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed waxaa uu dhashay June 25, 1982dii, waxaa uu wax ku bartay, kuna noolaa Hargeysa, Somaliland.

Dhanka waxbarashada, Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK isaga oo ku taqasusay shuruucda la xiriirta ganacsiga iyo badaha.

Goobjoog News