U bood dhigaalka

Muqdisho: Hal Qof Ayaa Dhintay, Midna Waa Dhaawac

Sheeko:Dalka, War

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Waaberi rag hubeysan ayaa maqribnimadii caawa ku weerar ay fuliyeen waxay ku khaarajiyeen wiil dhallinyaro ah halka mid kalena ay ku dhaawaceen.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaafada Baar Ha idhaafin qeybta degmada Waaberi uu ka dhacay falkani islamarkaana labada wiil mid uu ahaa Tima Jare halka kan kalena uu maqaaxi ka shaqeynayay.

Rasaasta ay ku fureen ragga hubeysan ayaa waxaa u dhintay Ibraahim Cabdi Barre (Kuusow) oo ahaa wiil Tima Jare ah, halka kan kale uu dhaawac ka soo gaaray.

Mid kamid ah isbitaallada Muqdisho ayaa loo la cararay wiilka dhaawaca ah, iyadoo intaas kaddib ciidamada ammaankadowladda federaalka oo goobta gaaray ay ka sameeyeen howlgallo.

Tiro dad ah ayay ciidanku ku qabqabteen howlgalkooda, waxaana caadi markii dambe ku soo laabtay isa socodka dadka iyo gaadiidka oo muddo hakad galay.

Weli laamaha ammaanka ee xukuumadda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Waaberi kama aynaan hadlin dhacdadani caawa ka dhacday gudaha degmada Waaberi.

Goobjoog News