U bood dhigaalka

Muqdisho: Hay’ado Isku-afgartay Qaabka Uruurinta Iyo Wadaagidda Xogaha Sirdoonka

Sheeko:Dalka

Arbacadii, waxaa la soo gabagabeeyay shir 3 maalin ahaa oo AMISOM iyo hay’adaha sirdoonka Soomaalida uga arrinsanayeen sidii la isaga kaashan lahaa uruurinta iyo wadaagidda xogaha la xiriira sirdoonka.

Shirkan oo ahaa kii 3aad, ka qeyb-galayaasha waxa ay isku af-garteen sida ay muhiim u tahay helidda xogta iyo arrimaha sirdoonka si looga hortago weerarrada.

Mohamed Sheikh Madoobe, agaasimaha howlgallada xoogga dalka ayaa sheegay in ay haboon tahay wadaagga xogta, taasina ay weliba muhiim u tahay jiritaanka sirdoon xoog leh.

Madoobe, waxaa uu intaasi ku daray in shirkan looga hadlayey qaabkii ugu wanaagsanaa oo wada shaqeyn iyo xog is weydaarsi u dhex mari lahaa dhammaan dhinacyada kala duwan.

Charles Tai Gituai, oo ah ku-xigeenka hoggaanka AMISOM waxaa uu qabaa in xog uruurinta iyo wadaagidda ay noqdaan kuwoo laga maarmaan u ah ka hortagga khatarta, soona celin kara nabadda.

Qoraal laga soo saaray shirka, waxaa lagu sheegay in kulanka AMISOM iyo hey’adaha dowladda laga faa’iday sidii loo heli lahaa qaab xog iyo sirdoon ka duwan sidii hore si looga hortago khatarta Al-shabaab.

Goobjoog News