U bood dhigaalka

Muqdisho: Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Racep Tayip Erdogan Oo Rasmi Loo Furay

Sheeko:Dalka

Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Racep Tayip Erdogan oo furneyd tan iyo 2016-kii, isla markaana ay dhigtaan 270 arday ayaa maanta si rasmi ah loo furay.

Xafladda furitaanka oo hadda ka socota xarunta Jaamacadda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya, Turkiga iyo bulshada rayidka ah.

Ardeydan oo luqadda iyo culuumta caafimaadka ee hoose laga dhisay ayaa lagu wadaa inay qaarkood Diploma qaataan dhammaadka sanadkan.

Olgen Baker Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa Sheegay in ka Dowlad ahaan dadkan ay ka fakareen horumarin lagu sameeyo  barashadooda caafimaadka

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada  Soomaaliya Xil. Feysal Cumar Guuled  ayaa sheegay in ardayda cafimaadka baranaysa looga baahan yahay in ay ku dadaalaan sidiii ay u hormarun lahaayeen Caafimaadka.

Goobjoog News