U bood dhigaalka

Muqdisho: Khasaare Ka Dhashay Qarax Loo Adeegsaday Gaari Gacan

Sheeko:Amniga

Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari gacan, iyada oo la dhigay goob ay dadka ku badan yihiin, lagana raro BL-ka, hal qof ayaa ku dhintay, labo kale waa ay ku dhaawacantay.

Saacad ka hor, isla goobtaasi,  rag hubeysan ayaa waxaa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo watay dhar shacab ah.

Wiilka la dilay waxaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka, madaxa ayey ka toogteen labo dhalinyaro ah oo hubeysan, kadibna waa baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta u tagay dabagalka dilkaasi ayaa bambo gacmeed lagu weeraray, Saddex askari iyo qof shacab oo ganacsi yar halkaasi ku lahaa ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen.

Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa kordhay, waxaana dilalka loo geydsanayaa masuuliyiinta dowladda, askarta iyo shacabka

Goobjoog News