U bood dhigaalka

Muqdisho: Kulan amniga looga hadlayay oo dhacay & qodobo lasoo saaray

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay kulan balaaran oo looga hadlaayay amaanka guud ee magaalada Muqdisho, iyadoona qodobo lagu sugaayo amaanka lasoo saaray.

Kulankaan ayaa waxaa isugu yimid dhamaan xubnaha gudiga amniga dalka, waxaana shir gudoominaayay Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwan Xirsi Maxamed, iyadoona ay ku sugnaayeen Taliyaha Nabadsugidda Qaranka iyo saraakiisha sar sare ee Booliiska, Milatariga, nabad sugidda iyo kuwa AMISOM, iyadoona arimo badan laga helay.

Kulanka intii uu socday ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qabam lahaa amaanka guud ee dalka iyo sidii loo dar dar gelin lahaa sugidda amaanka, waxaana sidoo kale la’isku soo hadal qaaday sidii gacan adag logo dhigi lahaa amaanka dhamaan deegaanada laga saaray Al-shabaab.

Waxaa kulanka gaba gabadiisa soo baxay qodobo adag oo ay ka mid yihiin in dhamaan ciidamada Amaanka ay si deg deg ah u sameyn doonaan howlgalo balaaran oo guri guri lagu baari doono dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho, sidoo kalena la baari doono Garaashyada iyo meelo kale oo bartilmaameed ah.

Afhayeenka wasaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa saxaafadda faah faahin dheeraad ah siiyay markii uu kulankaan soo gaba gaboobay, waxaana uu sheegay qodobadii kasoo baxay kulanka in uu ahaa mid si wanaagsan looga soo fikiray, sidoo kalena la’isku soo hadal qaaday sidii shacabka Soomaaliyeed uga qeyb qaadan lahaayeen wax ka qabashada amaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo gobalada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo aad u xoogan, waxaana ay doonaysaa in ay isbedalo dhanka amaanka ah ka sameeyso Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobalada kale ee dalka dowladda ka maamusho.

Goobjoog News