U bood dhigaalka

Muqdisho: Lix Ruux Oo Maanta La Dilay

Sheeko:Dalka

Wararka soo gaaraya mareegta Goobjoog News ayaa sheegaya in maanta oo Talaado ahayd kaliya gudaha magaalada Muqdisho siyaabo kale duwan loogu dilay ugu yaraan lix qof oo isugu jira askar dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo shacab.

Dadka degaanka ayaa inoo xaqiijiyay in rag ku hubeysan bastoolado ay degmada Kaaraan gallinkii dambe ee maanta ku dileen afar askari, waxaana weerarka lagu khaarajiyay askartani uu ka dhacay waaxda Jamhuuriyo ee degmadaasi Kaaraan.

Askarta oo la soo sheegayo in Mooto Bajaaj ay saarnaayeen ayaa waxaa laga soo toogtay baabuur yar oo ay saarnaayeen dableeyda falka geysatay, sida wararka horudhaca ah oo soo baxaya ay sheegayaan.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay falka askartani lagu dilay, haseyeeshee dadka degaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in dilka askarta kaddib goobta ay gaareen saraakiil ka tirsan maamulka degmada Kaaraan.

Dhanka kale, isla maanta ayaa degmada Warta-Nabadda gaar ahaan agagaarka Jaamacadda SIMAD waxaa lagu dilay laba qof oo lagu sheegay in ay shacab yihiin.

Dilkani waxaa geystay koox hubeysan, oo dilka kaddib goobta isaga cararay, illaa iminkana ma jiro warar dheeraad ah oo dilkaasi ka soo baxaya.

Laamaha amniga ee dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Banaadir ee qaabilsan ammaanka ayaa wali wax war ah ka soo saarin falalkani dilka ah oo maanta siyaabo kale duwan uga dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Warta-Nabadda.

Waxaa la xaqiijiyay in ragga dilalka geystay ayaa isaga baxdeen khaarajinta lixdaasi ruux goobaha ay ku toogteen.

Muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyo  u badan kuwa lagu soo xiro baabuurta.

Goobjoog News