U bood dhigaalka

Muqdisho: Maxaa Ka Soo Baxay Booqashada Wasiirka Gashaandhiiga Ingiriiska?

Sheeko:Dalka

Waxaa talaadadii Muqdisho booqasho aan la shaacin ku yimid wasiirka gashaandhigga Ingiriiska  GAVIN Williamson isaga oo kullamo la qaatay mas’uuliyiinta Soomaalida, AMISOM iyo ciidamada UK halkan ka jooga.

Gavin Williamson waxaa uu ku celiyay sida  UK uga go’antahay inay Soomaaliya ka taageerto amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Ingiriiska waxaa si kooban ula sheekeystay ciidamada Ingiriiska ka jooga Soomaaliya iyo madaxdooda isaga oo ku dhiirigeliyay inay taageeraan ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Midowga Yurub.

Waxaa kale uu Mr. Gavin Williamson la kulmay wasiirka gashaadhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo taliyaha xoogga dalka Maj. Gen. Gorod  iyaga oo ka wada hadlay sidii loo hirgelin lahaa nidaam dib u dhis, isla xisaabtan iyo ciidamo qaran oo awood leh.

Dhinaca kale, wasiirka gashaadhigga Ingiriiska Gavin Williamson waxaa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo isagoo ugu hambalyeeyay natiijada wanaagsan ee ka soo baxday shirka Brussels wuxuna ku booriyay inuu sii wado dib-u-habeynta siyaasaDda, dhaqaalaha & amaanka, wuxuuna intaa raaciyay UK waxay ku dhiirigelinaysa beesha caalamka & AMISOM inay Somalia garab istaagaan.

Waxaa kale oo AMISOM kala hadlay sidii loo helo qorshe kala guur iyo sida Soomaalida ay ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Goobjoog News