U bood dhigaalka

Muqdisho: Maxaabiis Maanta Laga Keenayo India

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaarto diyaarad sidda maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo badan ku xirnaa dalka India.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in maxaabiistaan ay tiro ahaan ka badan yihiin 70, kuwaasi oo  dambiyo kala duwan loo haystay.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhoweynta maxaabiista, iyadoo la filayo iney halkaasi gaaraan xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa horey heshiis maxaabiis lasoo wareegis ah la saxiixatay dowladda India.

Maxaabiistan maanta la keenayo ayaa dhibaato xooggan ku qabay xabsiyada ay ku jiraan, iyadoo qaarkood ay xirnaayeen ku dhowaad 8 sano.

Waa qeybtii Labaad oo maxaabiis ku xiran India ah oo dalka dib loogu soo celinayo Sanad gudahiisa.

Goobjoog News