U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Ay Ku Soo Badanayaan Xarumaha Sida Casriga Ah Loogu Sameeyo Biraha

Sheeko:Dalka

Ku shaqeynta farsamada Birta oo laga soo saaro Agab nolosha aadanaha macno weeyn ugu fadhiya ayaa ah mid dhalinyaro badani noloshooda ay ku tiirsan tahay

Xarumo badan oo ku yaala Muqdisho waxaa u kalaha farsamada birta oo ka soo saara agabyada Albaabada, Baalayaasha iyo in kaloo badan dhalinyaro farsamada ku baratay gudaha dalka.

Shirkadda Xadiid oo ka mid ah shirkadaha sida weyn uga shaqeeya wax soo saarka Birta ayaa qabata farsamooyin Casri ah oo bilicda dalka wax ku kordhiyay sida uu Goobjoog News u sheegay madaxa shaqada  ee shirkadda Xadiid.

“Shaqooyinka aan qabano maadaama wadankeennu uu dhismayo kana soo kabsanayo labaatan sano oo burbur ah annaga waxaan ku soo kordhinay casri cusub, oo aan keeno birtii kana sameyno sheeyaal qurxo badan”.

Maamulka shirkadda Xadiid ayaa sheegay in fursado shaqo ay shirkadaan ka heleen dhalinyaro badan kuwaas  oo tobabar farsamada gacanta ah ay siiyeen ka dibna shaqaaleysiiyeen.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in Bilicda Magaalada ay ka qeyb qaateen maadaama waxa ay soo saarayaan ay tahay agabka dhismaha bilicdooda bila.

Axmed maxamed Ismaciil oo ka mid ah madaxda shirkadda  ayaa waxaa uu ka waramayaa sooyaalka shirkadda iyo waxyaabaha carsiga ah oo ay dalka ku soo kordhisay mudadii ay joogtay.

“Ujeedadeena waxay aheyd maadaama aan ka shaqeyneyno qeybta birta si aan u helno shaqaale xirfad leh waxaan sameynay in anagu shaqaalaheena ku tababarno shaqada,marka mudo badan waxaan ku soo wadnay in shaqaalaha tobabarno shaqaalo ahaana aan u qaadano”.

Bur burkii dalka waaa lagu waayay dhammaan kaabayaashii dhaqaale ee dalka uu lahaa wax yaabaha sidoo kale meeesha ka baxay waxaa ka mid ahaa warshadaha oo  ay ka mid aheyd warshadda Birta Shubta.

W/D: Jaamac Cali Shidane