U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Gole Deegaan Yeelaneyso

Sheeko:Dalka

Waxaa lagu wadaa dhammaadka sanadkan in gobolka Benaadir uu yeesho gole deegaan kaasi oo hadda hirgalintiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegayo Cabdifitaax Cali Xasan oo ah agaasimaha siyaasadda iyo Dimuquraadiyadda gobolka Benaadir, isga oo tilmaamay in golahan ujeedkiisa uu yahay sidii ay iskugu xirmi lahaayeen wadashaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha ammaanka iyo garsoorka ee gobolka Benaadir.

“Kulan howleedka isku xirka degmooyinka iyo hay’adaha garsoorka iyo amniga, waxaa laguda gaeli doonaa dhismaha deegaan goleyaasha waxaana isku diyaarineynaa in aan howshaas u dhaqaaqno”.

Guddoomiyaha gobolka benaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cismaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in ay muhiim tahay in gobolka Benaadir uu yeesho gole deegaan.

Goobjoog News