U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Filayey Waddooyinka Oo Furma Doorashadii Farmaajo Ka Dib

Sheeko:Dalka

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa kala xiran, isu socodka gaadiidka ayaa yaraaday, Basaska iyo Bajaajta ayaa loo diiday inay isaga gudbaan xaafadaha iyo degmooyinka gobolka Banaadir.

“ Meel la maro ma leh’, “oo jidkaas kale ma xiran yahay”, “Taliye aan gudbo”, “war naga noqo”, “Kala Wareeg’ iyo xabado waa waxa keliya ee dhagahaaga ku soo dhacaya, baabuur jidadka la iska dhigay oo quus waa mid kale oo indhaha qabanayaan.

Dadka ugu badan ee ay dhibaatada soo gaartay waa waayeelka, shaqaalaha, dadka xanuunsan kuwaas oo ay qasab tahay in ay lugeeyaan.

In kasta oo askarta halkaasi jooga ay diideen in ay nala hadlaan, hadana waxaa loo sabababeynayaa arrimaha sugidda amniga caasimadda.

Jidadka xiran, waxaa ka mid ah kuwa soo gala Maka-al-mukarama, Warshadaha, meelo ku dhow Isbitaallada Hodan, xataa Taleex, Zoobe, Dan-wadaagta iyo meel kale oo muhiim ah isu socodka gaadiidka caasimadda.

Jid caddeyaasha qaar ee xaafadaha waxaa lagu shubay ciid, si aan la isugu gudbin, waxaana muuqato in muddo ay sidaasi ahaan-doonto.

Farmaajo iyo Ballanta uu Ka Sameeyay Jidadka La Xiro:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu khudbadii murashaxnimada uga hadlay sida shacabka u dhibsadeen jidadka la xiro, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa

“Waxaynu badalaynaa sidoo kale  haddii aad fursad isiisaan  aad ii doorataan  xilka aan raadinaayo  hadduu ilaahay yiraahdo  in dowladdu ay awoodeeda ay ku cabirto shacabka  intay u adeegi lahayd  jidadkaani  la xiraayo  oo maalmahoo dhan xiran,  waxaa waaye waa qeyb ka mida caburin , hadaad idoorataan magaaladaan nabad keeni waayo  baabuurtii waaweyneed ayaan gadaal ka galayaa jid la xiraayo majiraayo  markaan Al-shabaab ka adkaanayo markaas ayaan baabuurta ku raaxeyanaa laakin isma keeneyso adoo dagaal ku jira in jidadka ay dadka umadda  xiranyihiin wax loo baahan maahan ”

Goobjoog News