U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Laga Xusay Maalinta Afka Hooyo

Sheeko:Dalka

Laga soo bilaabo 1972 waxa ay dadka Soomaaliyeed ka sinnaayeen u dabbaal-degidda maalinta u hiilinta Afka Hooyo ee 21-ka Febraayo.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad loogu dabbaal-degayo maalinta Afka Hooyo, waxaana ka soo qayb-galay xubno sare oo ka socda dowladda Soomaaliya, aqoonyahanno iyo Abwaanno, iyaga oo dhammaantood ka hadlay sida ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo Afka Soomaaliga.

Qaar ka mida Abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa qaba in halis ay ku imaan karto jiritaanka umadda Soomaaliyeed haddii aan la horumarin qoraalka Afka Hooyo.

Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo munaasabadda ka qayb-galay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu shaqeeyo qoraal sax ah, waxa uu tilmaamay in xukuumaddu ay ka shaqeyn doonto sidii loo horumarin lahaa Afka Hooyo waxa uuna yiri:

“Af-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya, waana in loo adeegsadaa shaqooyinka xafiisyada dawladda si loo hagaajiyo maqaamka afkeenna hooyo. Dhammaan shaqaalaha dawladda waxa aan fareynaa in ay dhiirri-galiyaan isticmaalka luuqaddeenna.”

UNESCO, maanta oo kale waxay abaalmarinno kala duwan u qaybisaa Luqad-yahannada, cilmibaarayaasha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, waxaana lagu qiimeeyaa shaqadooda, bixinta abaalmarinnadaana waxaa la bilaabay 2002.

Goobjoog News