U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Lagu Qabtay Tartanka Orodka Gaaban

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay tartanka Orodka gaaban kaasi oo ay ka qeyb-galeen Orod-yahanno  gaaraya ilaa iyo 300 oo ciyaaryahan

Xuska munaasabadda Orodka gaaban waa sanadkii shanaad oo lagu qabanayo gudaha magaalada Muqdisho, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay qabanayey guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Sanadkan iyo kii horoba waxaa ku soo biiray wasaaradda dhillinyarada iyo ciyaaraha, tartankan ayaa waxaa ka qeyb-galay 300 oo Orod yahan oo ka kala timid xiriirada kala duwan ee ciyaaraha oo uu ugu horreeyo xiriirka Ciyaaraha fudud ee 17 degmo ee gobolka Banaadir.

Tartanka sanadkii hore waxaa uu ahaa mid socod lagu marayo gudaha Garoonka Benaadir, balse sanadkan waxaa uu ahaa mid Orod gaaban laga soo bilaabay isgoyska KM4- Daljirka-daahsoon.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay muhiimadda ay leedahay munaasibaddaan “Munaasabaddaan waa mid weyn waa maalinta ciyaaraha iyo nabadda aduunka oo ah maalin caalami ah, waxaa ku lamaansan maalinta Ciyaatoyda Soomaaliyeed oo ah maalin qarameed”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa yiri “Waxaa maanta farxadweyn noo ah in magaalada Muqdisho lagu qabto tartanka Orodka gaaban, maanta waa maalinta Ciyaaraha iyo nabadda aduunka “.

Tartankan ayaa kaalinta 1-aad waxaa ka galay Cali Iidow Xasan halka kaalinta 2-aad uu galay Cabdisalaan Maxamed Axmed, waxaana kaalinta 3-aad galay Maxamed Muxidiin Yalaxow.

Goobjoog News