U bood dhigaalka

Muqdisho: Qarax Booliisku Dhaheen Waa Laga Hortagay Oo Ay Ku Dhinteen 17 Qof

Sheeko:Amniga

Qarax gaari oo maanta ka dhacay bar kontorol oo ku taalla isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 qof halka dhaawacyadu ay kor u dhaafeen 30 qof.

“Isbitaalka Madiina waxaa la soo gaarsiiyey 17 meyd iyo dhaawac 28 qof” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay agaasimaha isbitaalka Maxamed Yuusuf.

Dhinaca kale, qaraxaasi waxaa uu khasaare maaliyadeed soo gaaray dhismayaal iyo gawaarida goobta qaraxu ka dhacay.

Ku-xigeenka booliiska Soomaaliya Zakia Xuseen ayaa barteeda twitterka soo dhigtay in laga hortagay qaraxa duhurkii ka dhacaya KM4.

Zakiye oo arrintaas ka hadashay waxaa ay tiri“Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortagay baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen”.

Goobjoog News