U bood dhigaalka

Muqdisho: Qorshaha Waxqabadka Bini’aadannimo Ee Soomaaliya Oo Maanta La Daahfuray

Sheeko:Dalka

Qorshaha waxqabadka Bini’aadannimada ee Soomaaliya sanadkan 2017 ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho, iyadoo beesha caalamka laga codsaday iney bixiso taageero degdeg ah si loo xoojiyo howlgallada Bini’aadannimada, waxna looga qabto baahiyaheeda.

Daahfurka qorshahan waxaa ka qeybgalay hay’adaha gargaarka bini’aadannimada ee ka howlgala Soomaaliya iyo madaxda dowladda Federaalka ah, waxaana dhammaan la tusaaleeyey muhiimadda iyo ahmiyadda ay leedahay wax u qabashada dadka ay abaartu saameysay.

320 kun oo caruur ah, da’dooduna ka yar tahay 5 sano ayaa la sheegay iney u il daran yihiin nafaqo darrida.

Better Declercq  oo ah isku duwaha arrimaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaalad adag ay ku jiraan dadka Soomaalida ee ku nool dalka, waxaana uu sheegay in xaaladdaasi ay kasii dareyso haddii aan dadkaasi degdeg loo caawin.

Declercq waxa uu sheegay iney codsadeen lacag gaareysa 864 milyan oo doolar si loogu gargaaro 3.9 milyan oo qof una baahan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah.

“Xaaladda Soomaaliya aad bay u adag tahay, waayo xaalad adag oo dhinaca abaarta ah ayaa dalka ka jirta, waxaa jirta 5 milyan oo qof Soomaali ah oo u baahan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah, dadkaasi qaarkood ayaa garaab  ah oo xaalad adag ku jira, wax ka badan 1 milyan oo qof ayaa cuno la’aan iyo biyo yari darteed ayaa xoolahooda gaajo darteed u geeriyoodey, sidoo kale beeraleyda ayaan helin roob, biyo yaraantana waxay saameysay guud ahaan xaaladda, waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan ku caawin lahayn dadku ay abaaruhu saameeyeen, sidaasi darteed waxaan dalbannay 864 milyan oo doolar si gargaar loo gaarsiiyo 3.9 Milyan oo qof una baahan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah” ayuu yiri Better Declercq .

“Meelaha ugu badan ee abaaraha ka jiraan waxaa kamid ah Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, guud ahaan Somaliland iyo Bari, waxaa lasoo wariyey in xaaladda mareysa meel aad u daran, waxaa kaloo xaaladda sii adkeynaysa meelaha ay ka arrimiyaan Al-shabaab oo gurmad degdeg ah aan la gaarsiin karin oo xaaladda adag tahay sidii lagu gali lahaa, laakiinse si walbo waxaan iskaashi la yeelanay hay’adaha gargaarka ee gudaha ka howlgala” ayuu hadalkiisa raaicyey Better Declercq .

Qorshaha waxqabadka Bini’aadannimada ayaa xoojinaya u diyaarsanaanta dhibaatooyinka iyadoo la kaashanayo dowladda Federaalka iyo maamullada hoose si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka la saadaalin karo, iyo sidoo kale in xoogga la saaro isku xirka howlaha lagu badbaadinayo nolasha dadka iyo sidii xal horumarineed o waara loo heli lahaa.

Goobjoog News