U bood dhigaalka

Muqdisho: Rag lagu tuhmay Al-shabaab oo lagu soo bandhigay saldhiga degmada Dayniile

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa manta soo bandhigay dhalinyaro ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin xarakada Al-shabaab.

Saldhigga booliska ee degmada Deyniile ayaa maanta Warbaahinta loogu soo badhigay lix ruux oo lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab iyo waxyaabaha qarxa kadib howlgallo xalay ay ciidamada amniga ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Xog ay haleen ciidamada amniga ayaa keentay in xaafado qaar ay ka sameeyeen howlgallo amni sugid ah, taasi oo u suurta geshay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabo qarxa oo ay ku jirtay miinooyinka nuuca remout-ka laga hago sida ay sheegeen.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Deyniile Axmed Nuur Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa ciidamada ku booriyay inay sii labo jibaaraan howgallada ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab, si looga hor tago dhibaatooyinka ay u maleegayaan shacabka degmadaasi ku nool.