U bood dhigaalka

Muqdisho: Saameynta Uu Roobku Ku Yeeshay Barakacayaasha Iyo Dadka Tabarta Daran

Sheeko:Dalka

Roobab xoogan ayaa xalay ilaa maanta ka da’ay gobolka Banaadir, taasi oo sababtay in ay saameyn ku yeeshaan kaamamka barakacayaasha iyo dadka tabarta daran.

Dadka oo qaarkood la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen inay ku soo baraarugeen iyaga oo guryahooda biyo ceegaagaan, iyaga oo intaasi raaciyay in dhibaato badan heysato, gargaarna aaney weli helin.

Mid ka mid ah hooyooyinka ku nool Wadajir oo nala hadlay waxaa ay leedahay“Hooyo, xalay 8 saac ilaa hadda waaye, roobkii ayaa na naaqaday, gurmad ma heysanno, waad u jeedaan dhibaatada aan dhex fadhinno iyo rafaadka, suuliga waa saameeyay,..darbiyada ayey naga soo galeen, caruurtii Ex-control ayaan ula cararnay”

Mid kale ayaa ku qeylisay “Qadar ilaahey ayaa nagu dhacday, ilmihii waan ka bad-baadsannay, laakin hanti kama bad-baadsan”.

Dhinaca kale, Kaamam badan oo degmada Hodan ku yaallay ayaa laga qaxay, 300 qof oo goobahaas ku jiray ayaa aaday goobo qalalan oo isla xaafadda ah amaa meelo fog fog.

Hooyo Soomaaliyeed oo nala hadashay waxaa ay leedahay“6 saac ilaa maanta oo 4 saac la taaganyahay weli waa da’oohaayaa, ilamahayna biyo ayey ku dhex jiraan, dharkayna iyo raashiin wixii ilaahey na siiyay waa naga qoyeen, wax gargaar oo nasoo gaaray ma jiraan,

Isla Kaamka dadkii ku jiray mid ka mid waxaa ay tiri “Xalay xilliga roobka bilowday ilaa hadda waa soo jeednaa, joodariyaasha waxa dhan waa qoyeen, nafta ayaan bad-baadsannay, maanta dhan bannaanka ayaa jirtay, waa rafaadsannahay, gurigii biyo ayaa dhex fadhiyo, dharkii waa naga wada qoyan yahay, dad sar ku jira dirac dirac na soo siiyay”.

Goobjoog News

Sawirro U Gaar Ah Goobjoog News