U bood dhigaalka

Muqdisho: Safiirka Imaaraadka Iyo Ergeyga Qaramada Midoobey Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maxamed Axmed Cusmaan  Al Xammadi, oo ah safiirka dalka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya iyo ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Imaaraadka iyo UN-ka iyo weliba sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaadadda Imaaraadka ee Muqdisho, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sida la sheegay dadaallada ay Imaaraadka iyo UN-kaba ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Al Xammadi, waxaa uu u balanqaaday Nicholas Haysom in Abu Dhabi kala shaqeyn-doonto dadaallada lagu soo celiyo xasiloonida, sugidda amniga iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa Haysom, waxaa uu Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo sida ay qeyb uga yihiin horumarka iyo xasiloonida dalkan.

Goobjoog News