U bood dhigaalka

Muqdisho: Shacab Waddooyinka Waaweyn Ka Dhigaya Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Farmaajo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ah waxaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ka soconaya dibadbaxyo ay dhigayaan Boqolaal shacab ah oo taageersan madaxweynaha la doortey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Waddooyinka kala ah Wadnaha, Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale Soddonka ayaa lagu arakayaa shacab ruxaya caleemo qoyan, sidoo kalena wata sawirada Madaxweyne Farmaajo.

Waxay dadkani kuu sheegayaan iney ku farxeen guusha uu gaarey Farmaajo, islamarkaana ay dhankooda muujinayaan taageerada ay u hayaan madaxweynaha cusub.

Qaar kamid ah dadkan oo aynu la kulannay waxay sheegeen iney aad u farxeen markii ay maqleen natiijada doorashadii xalay ay kusoo dhammaatay, iyagoo ammaan u jeediyey xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Markii lagu dhowaaqay in Farmaajo uu yahay madaxweynaha Soomaaliya Afarta sano ee soo socata waxaa magaalooyinka badan oo dalka iyo dibadda ah isugu soo baxay shacab Soomaaliyeed oo muujinayey taageerada ay u hayaan Farmaajo.

Goobjoog News