U bood dhigaalka

Muqdisho: Shirka Iskaashiga caalamiga ah Oo La soo Gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeynayaa Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dal oo caalamka ah iyo hey’ado dowli ah sida: Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo qaar kale.

Shirkan oo shalay furmay waxaa looga hadlayaa arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha,  banii’aadnimada iyo qodobo kale  oo muhiim ah geedi-u-socodka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka maqan  dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland taasi oo dhaawici-doonta rajada laga qabay in la dejiyo qorshe lagu dhaqo dalka ilaa 2020.

Maanta waxaa lagu wadaa iney khudbado ka jeediyaan qaar ka tirsan maamulka Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedka goboleedyada.

Goobjoog News