U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddooyin Muhiim Ah Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Waxaa saakay xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha intaba.

Waxaa waddooyinka lagu arkayaa ciidamo Booliis ah oo gaadiidka ku wargelinaya inaanay halkaasi mari kari, wallow shacabka si caadi ah u lugeynayaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meelaha xiran ay ka mid yihiin wadada Makka Al-mukarrama iyo dhammaan jidadka soo gala wadadaasi.

Sababta waddooyinka loo xiray ayaa ah shir ballaaran oo dhowr dal ka qeybgalayaan oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho oo aan la sheekeysannay qaarkood waxay sheegeen in ay kusoo talogaleyn in maanta la lugeynayo kadib markii shalay ay maqleen in shir Muqdisho ka furmi doono.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiraa inta badan xilliyada ay jiraan shirarka muhiimka ah ay dalka imaanayaan wufuud caalami ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir