U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddooyinka Oo Maalintii Labaad Oo Xiran

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka ayaa maalintii Labaad waxa ay xireen waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoo amnigana uu yahay mid aad loo adkeeyey.

Waxaa waddooyinkan loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka shacabka, iyadoo la arkayo dadweyne badan oo lugeynaya.

Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah maadaama magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay yimid magaalada.

Waddooyinkan xiran ayaa saameyn ku yeeshay adeegyadii waxbarashada iyo ganacsiga ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News