U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddooyinka Oo Maalintii Labaad Xiran

Sheeko:Dalka

Maalintii Labaad waxaa xiran waddooyinka magaalada Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan, iyadoo lagu arkayo ciidamo badan oo  ka tirsan dowladda Federaalka oo halkaasi ku sugan.

Wadada Makka Al-mukarrama waxaa isgoys walbo ku sugan ciidamada dowladda, sidoo kale waxay taagan yihiin dhammaan jidadka laamigaasi soo galaya.

Gaadiidka ayaa lagu amrayaa in aysan halkaasi marin, waxaana shacabka yihiin kuwo si caadi ah u lugeynaya.

Waddooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadnaha iyo Soddonka oo maalintii shalay ahayd xireen ciidamada dowladda.

13-ka bishan ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto shirka madaxda IGAD, waxaana loo sababeynayaa xiritaanka waddooyinka arrintaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News