U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddooyinka Qaar Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay oo Khamiis ah waxay kusoo tooseen qaar kamid ah waddooyinka magaalada oo xiran, xilli maanta ay bilow tahay khudbad jeedinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Qeybo kamid ah Wadada Makka Al-mukarrama iyo waddooyinka soo gala ayaa laga celinayaa gaadiidka dadweynaha, iyadoo la arkayo ciidamo ku sugan meelaha looga soo leexdo wadadaasi.

Gaadiidka isticmaalaya wadada wadnaha ayaan loo ogoleyn in dhanka Makka Al-mukarrama soo aadaan, waxaana Isgoys walbo jooga ciidamo Nabad sugid ah oo halkaasi gaadiidka ka celinaya.

Waddooyinka Muqdisho ayaa muddooyinkaan dambe sidan loo xiraa marka doorasho jirto iyo sidoo kale marka magaalada ay ka dhacayaan shirara muhiim ah ama madax ay booqasho ku timaado.

Goobjoog News