U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddooyinka Qaar Oo Sabab La’aan u Xiran

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha loo diidayo iney isticmaalaan waddooyinkaasi.

Horay waxay ciidanka dowladda u kala xireen isku gudubka waddooyinka Wadanaha iyo Makka Al-mukarrama, hase ahaatee waxaa shalay la xiray wadada Makka Al-mukarrama oo loo diidayo iney maraan gaadiidka dadweynaha.

Xilli shacabka Muqdisho ay isku diyaarinayeen ciidda ayaa waxaa la arkayaa dadweyne badan oo qaarkood carruur wada misane lugeynaya.

Illaa hadda dowladda federaalka ma aanay sheegin sabab rasmi ah oo ay waddooyinka magaalada Muqdisho u xirtay.

Wixii ka dambeeyey Febraayo 8 2017, waxaa soo batay xirnaanshiyada waddooyonka magaalada Muqdisho, iyadoo mararka qaar aanu jirin sabab la sheego in waddooyinka loo xiray.

Goobjoog News