U bood dhigaalka

Muqdisho: Wafdi Ka Socda Midowga Afrika Oo Qiimeynaya Howl-galka AMISOM

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinka ka socda midowga Afrika ayaa ku sugan Soomaaliya si ay u qiimeeyaan howlgalka AMISOM iyo sidii amniga ugu wareegin lahaayeen ciidamada Soomaalida.

Sida ay sheegtay Xinhua , Kooxdan oo 10 qof gaaraya, waxaa ay yimaadeen talaadadii, 4 maalin ayey socon-doontaa qiimeyntooda iyaga oo la kulmi-doono saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Wada hadalka waxaa uu xoogga saari-doonaa nabad ilaalinta, iyo sida amniga loogu wareejin lahaa ciidamada xoogga Soomaalida” sida waxaa sheegay mas’uul u hadlay midowga Afrika.

Francisco Madeira, oo ergeyga midowga Afrika, waxaa uu dhankiisa sheegay in ujeedka yahay in caqabadaha laga gudbo, xiriirka dalka ay martida ku yihiin iyo bixitaankooda”

AMISOM oo Soomaalida joogtay tan 2007-dii ayaa lagu wadaa in amniga ku wareejiso ciidamada xoogga dalka taasi oo ay ka jirto caqabado xoog leh.

Goobjoog News