U bood dhigaalka

Muqdisho: Wasaaradda haweenka oo arday agoon ah ku wareejisay basas u adeega

Sheeko:Dalka
Khadiijo-Max’ed-Diiriy
Khadiijo Max’ed Diiriye

Wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaaliya  KHadiijo  Maxamed Diiriye ayaa maanta Jamiciyada Suheyda oo ay wax ka bartaan arday isugu jirta  agoon iyo kuwa dan yar ah ku wareejisay  laba bas oo lagu qaado ardayda, waxaana munaasabaddii wareejinta gaadiidkaasi goob joog ka ahaa wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo arimaha Diinta mudane Yuusuf Jimcaale Xayle.

KHadiijo Maxamed  Diiriye oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in labada bas ay ku wareejisay maamulka Jimciyadda Suheyda uu yahay mid ay ugu tala gashay in ardayda lagu qaado, maadaama ay tiro ahaan gaarayaan 800 ee isugu jira agoonta iyo kuwa danta yar ee halkaasi wax ka barta, iyadoo kaalmadaasi uga mahad celisay ganacsade SHeekh Axmed Cali Jimcaale.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xaquuqal insaanka ayaa waxa ay dhanka kale tibaaxday in wasaaradda aysan ku ekaan doonin gobolka Banaadir oo kaliya, balse ay garab taagan yihiin carruurta wax ka barata gobalada dalka.