U bood dhigaalka

Muqdisho: Wasaaradda Waxbarashada Oo Manhajka U Qeybisay 24 Iskuul Oo Ay La Soo Wareegtay

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda  waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare e xukuumadda Soomaaliya  Feysal Cumar Guuleed  ayaa maanta iskuullada dowladda u qeybiyay  buugaagta manhajka  ee dhowaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Iskuulladan oo ku yaalla gobolka Banaadir isla markana ah dugsiyadii dhowaan dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada isagoo ardeydda u qeybiyay bugaagta cusub.

Agaasimaha waaxda dugsiyadda wasaaradda waxbarshada  Soomaaliya Muuse Maxamed Caraale  ayaa bogaadiyay manhajka waxbarashada dalka isagoo kula dardaarmay walidiinta inay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka caruurtooda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegta dowladda intooda badan loo qeybiyay manhajkan cusub.

“Maanta waxaa nasiib u yeeshay in iskuulladii dhowaan la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare in u qeybiyo bugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada ay la soo wareeji doonto dhammaan iskuullada ay leedahay dowladda, islamarkana loo dhameystirayo manhajka waxbarshadda dalka.

“ Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in maanta ay lee yihiin manhaj mideysan oo wax lagu barayo ardaydda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane Feysal Cumar Guuleed.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Goobjoog News