U bood dhigaalka

Muqdisho Waxaa Kusoo Wajahan Kooxda Som United Oo Ka Ciyaarta Horyaalka Heerka Afaraad Ee Dalka Sweden

Sheeko:Cayaaraha

 Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa caasimada Muqdisho kusoo wajahan waxaana kooxdan la aas aasay sanadii 2011, iyadoo ku guulaystay koobab badan oo laga dhigay gudaha wadanka Sweden waxaana wafdiga ka kooban ciyaartooyda iyo macalimiinta hogaamiyo u ah Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ah laacibiintii soo maray naadiga kubbadda cagta L.L.P Jeenyo iyo xulka qaranka.

Dalka ayaa soo maray marxalado adag,balse 2012 wixii ka danbeeyay waxaa gudaha soo booqanayay qurbajoog kala duwan,iyagoo ka qeyb qaatay horomarada xaga ganacsiga iyo hindisaha xarumaha wax barashada,caafimaadka iyo garoomada kubbadda cagta laga dheelo ee salaxyada oo inta badan laga her geliyay caasimada Muqdisho waxaana labadii sano lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo dhaxgal bulsho wadanka u imaanayay ciyaartooy iyo tababarayaal Soomaaliyeed,iyadoo arinta ay dhiiri gelin u u noqotay xirfadlyaasha ka ciyaara gudaha.

“Waxaan dalkeena u imaanaynaa marka hore in aan barano tan xigtana u jeedada socdaalka safarkeena waa in xirfadlayaasha aan macalinka u ahay la arko taydooda wanaagsan ka dibna ay matalaan waajibaadka xulka qaranka sanadaha soo aadan yoolkeena waa in aan booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ku marnaa guud ahaan gobolada wadanka” waxaa sidaas iigu waramay Maxamed Cabdiqaadir oo aas aasaha iyo tababaraha kooxda Som United ee kusoo wajahan caasimada.

Falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ay isku soo abaabulaan kooxaha ka dhisan qurbaha hadii afarta sano soo aadan ay sidan oo kale ay u yimaadan gudaha ay fursadaha weyn u tahay is badalka iyo horomarka natioijooyinka xulka qaranka.

Inta ay joogaan caasimada waxa ay ciyaaridoonaan kulamo saaxiibtinimo,iyagoo booqandoondoona goobaha taariikhiga si ay arkaan horomarka iyo geed socodka ka jir dalka ay iyaga lee yihiin.

Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada,Xiriirka kubbadda,iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada da’daalo ku aadan in caasimada ay marti geliso tartanka Somali Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta hadii arinta lagu guulaystana waxaa ay faa’dio u tahay kabaca iyo horomarka ciyaaraha gudaha.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinkooda Caasimada Muqdisho

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/319012715491188/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle