U bood dhigaalka

Muqdisho: Xarun Lagu Tababaro Shaqaalaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Oo La Furay

Sheeko:Dalka

Xaruntaan cusub ee laga hirgaliyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Mugadisho ayaa loogu talo galay in lagu tababaro shaqaalaha u shaqeynaya hay’adda duulista iyo saadaasha hawada.

Furitaanka xaruntaan ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya madaxa hay’adda dhistay ee Tika iyo sidoo kale wasiirka gaadiidka iy duulista hawada Soomaaliya waxaana ku wehliyey agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo duulista.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday xarunta qeybaheeda kala duwan waxa ayna hoosta ka xariiqeen in ay muhiim tahay in xaruntaani loo dhiso shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista taasi oo hadda ka dib ay ka heli doonaan aqoon kororsi.

Agaasimaha hay’adda duulista hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in Turkiga uu uga mahad celinayo sida quruxda badan oo ay u dhiseen xaruntaani,isaga oo intaas ku daray in shaqaalaha ay ka caawin doonto tobabaro xirfadooda sare loogu qaadi qaadayo.

“Sida aad ogsoontihiin dad walaalo ah ayaa nahnay Turkida,wasaaradda gaadiidka iyo duulista waxay uga mahadcelineysaa garoonka Aadan cadde shirkad ka mida shirkadahooda uu hada fangareeyo,hadana hay’addaan Iskuulkii ugu horreeyay burburkii ka dib oo nuucaan oo kale ah in dowladda Soomaaliya ay gacanteeda ay soo galiyaan”.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in xaruntaan ay dowladda ka caawin doonto la soo wareegidda hawada Soomaaliya,waxaa uu tilmaamay in shaqaalaha lagu tababari doono halkaani.”

“Horumar waxaa ugu weyn oo maskaxda oo la horumariyo sidaa la socotiin hadda waxaan la soo wareegeynaa maamulka hawada Soomaaliya waxaana laga maamuli doonaa gudaha dalka,sidaad owgeed waxaan u baahannay tobabaro badan in loo sameeyo umadda Soomaaliyeed”.

Goobjoog News