U bood dhigaalka

Muqdisho: Xuska Maalinta Caalamiga Ee Xuquuqda Aadanaha

Sheeko:Dalka

Xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanaha  ayaa ah mid  bulshada looga wacyi galinayaay  ilaaalinta  iyo dhowrida xaquuqda aadanha  iyo In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah Aadanaha, waxane munaasibadda goob joog ka aha wasiirka wasaradda haweenka iyo horamarinta xuquuqda aadanha Deeq Yaasin Xaaji Yuuf,  xilidhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare  agaasimaha guud ee wasaradda hawenka iyo  uruurda bulshada rayidka.

Sanadki 1948 ayeey aheyd marki shirki golaha guud ee qaramada midobaay  la isugu raacay in 10dacembar ay tahay maalinta caalmaiga ee dhowrida xuquuda aadanaha  ayaado sanad walibo aduunka dhan laga xuso  maalintaan.

Agaasimaha guud wasaradda hawenka iyo horamarinta xaquuqda aadanah  Deeq Suleymaan Yuusuf ayaa ka hadlaay ahmiyadda ay ledahay maalinta caalamiga ee  xuquuqda adanha

Sanadkan ayaa ah mid ka duwan sanadahi hore ee munaasibadda xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanha  iyaado dowlada soomaaliya ay go,amisaay in sanad waliba la xuso haldorka  kaalinta weyn ka qataa horamarinta xuquuqda aadanha ee  Soomaaliya waaxne la xusaay oo looga duceyaay inta ay munaasibadda socotaay Allah uu naxariiste Ambassador Yuusuf Maxmed Ismaciil Bari bari oo kaalin weyn ka qataay u dagaalanka xuquuqda aadanha

Xilidhibaan Canab Axmed Cilmi oo ka tirsan  gudiga xaquuqal insaanka ee Golaha shacabka  ayaa shegtaay iney waddaan sharciga xaquuqda dadka baahiya garka qaba si ay uu helaan xaquuqdooda

Wasiirka wasardda hawenka iyo horamarinta xaquuqada aadnaha  xukumadda soomaaliya Deeq Yaasin Xaaji Yuusuf  oo gaba gaba munaasibadda ka hadashay ayaa shegtaay  in ay wadaan dhamestirka gudiga madaxa banaan ee xaquuqul insaanka soomaaliya .

Goobjoog News