U bood dhigaalka

Muqdisho:Idaacadaha Kulmiye iyo Simba oo hawada laga saaray

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka shaqadoodii hakad galay idaacadaha Simba iyo Kulmiye oo ka mid ah raadiyaasha madaxa banana ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dolwladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xarunta raadiyaha Simba ee magaalada Muqdishu.

Masuul ka tirsan raadiyaha Simba ayaa Goobjoog FM u xaqiijiyay in ragii idaacada soo galay ay horay u qaateen qaar ka mid ah qalabka idaacadu ku howlgaleysay.

Dhaka kale, agaasime ku xigeenka raadiyaha Kulmiye ayaa ka sheegay raadiyahooda in nabad sugida dowladda Federaalka Soomaaliya ay la soo xiriirtay isla markaana ay ku war gelisay in ay hawada ka saaraan idaacada ayna yimaadaan xarunta nabad sugidda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu war gelisay warbaahinta gudaha in aysan sii deyn codadka madaxda xarakada Al-shabaab iyo warar la xiriira oo aysan ka war hayn wasaarada amniga xukuumadda.

Dowladda ayaa hore u xirtay idaacadaha Shabeelle iyo Sky xilli ay waday howlgallo hub ka dhigis ah oo Muqdisho laga fuliyay.