U bood dhigaalka

Muqdisho:Laamaha ammaanka oo sheegay in tallaabo laga qaadayo hubka sharci darrada ah

Sheeko:War

Afhayeenka laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM aya sheegay in dhowaan la kala saari doono dadka ganacsatada iyo dadka hubka isku difaaca ee sida sharci darrada u haysta.

“Tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa cidii aan is diiwaan gelin ee si sharci darro ah u haysata hubka.” Ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.

Afhayeenka ayaa Wuxuu kaloo sheegay in Muqdisho ay joogaan dad wata dareeska ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo gawaarida dagaalka oo ku buufsan midabka gawaarida dowladda.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa Talaabo Aad u adag ku tilmaamay in Hubka sharci darrada ah laga Nadiifiyo Muqdisho.

Dr C/qaasim Salaad Xasan oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay si taxadar leh u baarto goobaha lagu hayo hubka ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku baaqay inaan lagu xad gudbin dadweynaha oo si hufnaan ah loola dhaqmo bulshada ku nool Muqdisho.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ah khabiir dhanka ciidamada oo horay ula soo shaqeeyay dowladihii hore ee dalka ayaa dhankiisa sheegay in hub uruurinta ay tahay arrin wanaagsan.