U bood dhigaalka

Murashax Cabdiraxmaan C. Warsame Oo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Ku Sheegay Mid U Adeega Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Murashax madaxtinnimada doorashada Soomaaliya 2016-ka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa dhaleeceeyay guddiga xallinta khilaadka ee doorashada isagoo sheegay in guddigan isku badalay Howl-wadeenno ka tirsan xafiiska ololaha Xasan Sheekh.

Warsame waxaa uu madaxtooyada Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay faragelin qaawan ku heyso howlaha guddiga khilaafaadka, waxaa uu sidoo kale guddiga khilaaafaadka ku sheegay in ay muran gelinayaa Xildhibaanno dadaalkooda ku soo baxay.

Murashax Cabdiraxmaan Cabdiashakur ma sheegin magacyada Xildhibaannada uu sheegayo in ay dadaalkooda ku soo baxeen balse ay guddiga khilaafaadka muran-ka geliyeen.

Sidoo kale Mr. Warsame masoo bandhigin caddeyn ku aadan faragelinta uu sheegay in uu Xasan Sheekh ku haya howlaha guddiha xallinta khilaafaadka.

Halkan ka akhriso warqadda uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakur:

shakur

Akhriso: Warar Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakur:

Waa Kuma Cabdiraxmaan Cabdishakur